|

Madaxweyne Shariif oo xariga ka jaray suuqyo cusub.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa saaka furay suuq cusub oo ay dowladu ugu talagashay in ay ka ganacsadaan shacabka ku nool degmada Hodan. Madaxweynaha ayaa ku micneeyay mashruucaan barnaamij ku salaysan adeega bulshada iyo horumarinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay isagoo u qodbaynaya shacab badan oo ka soo qayb’galay furitaankii suuqa cusub in ay muhiim tahay in dadka Soomaliyeed ay isku tashadaan, “ waa inaan cududeena adeegsanaa, waa inaan iskaa wax u qabso dalkaan ku dhisnaa” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka qayb’galay xaflad ka dhacday Skuul Boolisiya oo tababar loogu soo xirayay saraakiil boolis ah oo dhawaan ka soo laabtay tababar dibada ah. Kooxda fanka booliska ee heegan ayaa soo bandhigtay murti iyo heeso ka turjumaya nabada iyo dowlad wanaag.

Madaxweynaha ayaa kula dar’daarmay saraakiisha cusub in ay dadkooda iyo dalkoodaba u shaqeeyaan “waa inaad dadkaan si nadaam ah, sharci iyo cadaalad ugu shaqaysaan, waxaana idiin rajaynayaa inaad si wanaagsan wajibaadkiina u gudan doontaan”.

Ugu danbeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilyay wafuud balaaran oo ka socota dalka Sudan. Wafdiga Sudan ayaa waxaa hogaaminayay kaaliyaha Madaxweynaha Sudan ahna kuxigeenka xisbiga talada haya Dr. Naafic Cali Naafic. Wafdigaan ayaa Soomaliya u waday markab deeq ah oo isugu jiray cunto, daawo iyo gaadiid taas oo Madxweynuhu ka gudoomay.

- Dhamaad –

Suldan A. Farahseed
Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia
media@presidency.gov.so

Inta jeer ee la aqristay :429

Related posts:

WAR DEG DEG AH Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay gacan ku haynta Magaalada ...
Somali staff member shoots MSF aid workers in Mogadishu
San Diego: Somali refugee’s leadership skills impress
 
Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo.

Short URL: http://www.newsomali.com/?p=4269

Posted by on Sep 7 2011. Filed under Africa, America, Asia, Australi, English News, Europe, Fanka iyo Fanaanka, Jaaliyadaha, Maqal iyo Muuqaal, Qormooyinka, Sport, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed