HIRDA AMSTERDAM FUSTEL TORNAMENT 2011, oo lagu soo gaba gabeeyay Dalka Holland. Sawirro.
Waxaa Magaalada Amsterdam ee dalka Holland lagu soo gaba gabeeyay Koobka Ciyaaraha Fustalka ee “Amsterdam Fustal Tornament 2011″ kaasi oo ah koob sanad waliba Bisha December dhamaadkeeda lagu qabto Magaalada Amsterdam ee dalka Holland, iskuna arkaan Kooxaha Jaaliyadaha Soomaalida ee dalalka Yurub.
HIRDA AMSTERDAM FUSTEL TOURNMENT 2011, oo sanadkaan ahaa kii ugu xiisaha badnaa ee soo mara tan iyo sanadkii 2005-ta, xilligaas oo la bilaabay qabashada ciyaarahaan ayaa waxaa nasiib u yeeshay 24-kooxood oo ka kala socday Wadamada Britian, Norwey, Switzerland, iyo Nederlands, inkastoo sanadkaan ee 43-kooxood soo dalbadeen in ay ka qeyb galaan.

Ciyaaraha HIRDA AMSTERDAM, sanadkaan waxaa ka soo qeyb galay oo lagu casuumay Marti sharaf aad u fara badan oo Magac ku leh Isboortiga Soomaaliyeed kuwaasi oo ka kala yimid Wadamada ku teedsan Dalka Holland.
Ciyaaryahankii Hore ee Xulka Qaranka Kubada Cagta Dalka Soomaaliya iyo kooxdii Horseed Legend Maxamed Ismaaciil, ayaa sanadkaan furay Ciyaaraha HIRDA AMSREDAM TORNAMENT 2011, oo 24-December ka furmay Garoonka dadan ee Sporthallen, Zuid Amsterdam, Halka HIRDA AFT Ambassador uu ahaa “Mucjisaha Kubada Miiska” Magan Tahir Yuusuf.
Mart sharafta Sanadkaan lagu casuumay HIRDA AFT 2011, waxaa ka mid ahaa Macalin Xasan Faarax John, Garsoore C/qaadir Caddaay, Abuukar Abanuur, Madaalihii XSKC Maxamuud Koofur Yare, Xuseen Abanur Abati, Sacad Cumar Geedi, C/naasir Saciid Seef (Cabdi-dheeg), C/qaadir Maxamed Faarax (Biriq), Maxamed Buube, Abdi Salaan (somaliweek UK), Omer Canjeero, Macalin Laas, Macalin Ganey, Kaptanka Xulka Qaranka Soomaaliya Ciise Aadan Abshir, Baabuji, Aweys Cali Winkey, Guuleed Xasan Faarax, iyo marti sharaf kale oo aad u fara badnaa kuwaasi oo magac ku leh isboortiga soomaaliyeed.

Kooxaha sanadkaan ka qeyb galay ciyaaraha AFT 2011, ayaa kala ahaa: Vlaardingen, Eindhoven, Arnhem, Oslo, Zwitzerland, Manchester, Denhaag, Groningen, Veenandal, Apeldoorn, Amsfoort, Dordrecht, Reeuwijk, Rotterdam, Nabadda FC, Bermingham, Amsterdam, West – London, Venray, Hoorn, Utrecht, Aphen A/D Rijn, Nijmegen, Purmerend, iyadoona ay usoo daawasho tageen boqolaal ka tirsan taageerayaasha Jaaliyadaha soomaaliyeed ee Dalka Holland, UK, Norwey, & Switzerland.
Hey’adda HIRDA ayaa sanadkaan Kooxaha ku guuleestay Kaalimaha 1-aad, 2-aad, & 3-aad guddoonsiisay Abaal marin Koob, Qalab Isboorti, iyo Abaalmarin lacageed, iyadoona sidoo kale Ciyaartoyda ugu wanaagsan, Gooldhalinta, iyo kooxda ugu asluubta wanaagsaneed la guddoonsiiyay Abaal marino Koob, Shahaadooyin, iyo Bilado.
Kooxaha Reeuwijk ee ka dhisan Dalka Holland & Bermingham oo ka dhisan UK, ayaa isugu soo baxay Finalka Koobka AFT 2011, iyagoo soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan oo soo jiidatay shacabka kaasi oo la isla dhaafi waayay bar-bar dhac, 10-daqiiqo dheeri ah oo lagu daray ayaa sidoo kale la isla dhaafi waayay bar-bar dhac, waxaana markii danbe lagu kala baxay “Regoore” oo ay guusha ku raacday Kooxda Reeuwijk ee ka dhisan Holland oo sanadkaan hanatay Koobka AFT 2011.

Munaasabad aad u qurux badan oo lagu soo gaba gabeenayay Ciyaaraha ayaa waxaa ka hadashay Faadumo Faarax oo ah Hormuudka Hey’adda HIRDA, iyadoona Amaan u jeedisay Marti sharafta, Mas,uuliyiinta, Kooxaha iyo shacabka kasoo qeyb galay Tantanka isla markaana xusuusteeda ku aadan qabashada ciyaarahaan dib u celisay.
Faadumo Farax waxa ayaa sheegtay in qabashada Ciyaarahaan la soo bilaabay 2005-ta, iyadoona sidoo kale xustay in Hey’adda HIRDA ee sanadkii qabato labo koob oo aad u xiiso badan kaasi oo kala dhaca Bartamaha Sanadka iyo Dhamaadka Sanadka, isla markaana ay Hey’adda HIRDA halkeeda ka sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto Hormarinta Isboortiga oo ay u qabato Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool qaarada Yurub.

Mas’uuliyiin ka socotay Ururka Somaliweek ee ka dhisan Dalka UK, Maxamed Buuwe & C/salaan ayaa Munaasabadaasi ka hadlay iyadoona Abaal Marin ay ugu tala galeen Hey’adda HIRDA Halkaasi ku guddoon siiyeen Faadumo Faarax.
Sidoo kale waxaa Munaasabadaas goob joog ka ahaa Mas,uuliyiin kala gedisan oo ka tirsan Hey’adda HIRDA oo ay ka mid ahaayeen HIRDA chairman Mohamed Abdisalan Egal, Guuleed Maxamed HIRDA UK, iyo xubnaha Hey’adda HIRDA Xarunteeda Magaalada Amsterdam.
Gaba gabadii Munaasabada Xeritaanka HIRDA AMSTERDAM FUSTEL TORNAMENT 2011, Waxaa Amaan loogu jeediyay Qeybaha Warbaahinta oo gacan weyn ka geystay tartanka, kuwaa oo ay ka mid ahaayeen, C/naasir Ismaaciil “Sola” Universal TV, Fu’aad Osman “Somalisat TV, Yuusuf Yuusuf “SSPAmedia” Salah Dheere “Wehelmedia” Somali4all TV, iyo Warbaahinada kale ee soomaaliyeed, kuwaasi oo Shahadooyin & Bilado la guddoonsiiyay.
Sanadkaan ayaa lagu tilmaami karaa in uu ahaa sanadkii ugu xiisaha badnaa, iyadoona Ciyaaraha Sanadkaan si toos ah looga daawanaayay Warbaahinada qaarkood iyo Barta isku keenta shacabka ee loo yaqaan “Facebook”, taasi oo sahashay in qeybaha kala gedisan ee jaaliyadaha soomaaliyeed kuwooda ku nool dacalada aduunka si live ah ula socdaan HIRDA AMSTERDAM TORNAMENT 2011.
Sanadka soo socdaayaa la filayaa in uu ka xiiso bato sanadka aan sii sagootineeno ee 2011, walloo ciyaaraha Fustelka ee dhamaadka sanad weliba la qabto ay ka soo hor mari doonto Ciyaaraha kubada cagta ee Hey’ada HIRDA qabato xilliga xagaaga.
Salah Hassan Omer “Salah Dheere”
AMSTERDAM – NEDERLANDS.
Email: s.dheere@hotmail.com

















Sawiro dheeri ah Halkaan ka Daawo. (Riix)
FURITAANKA CIYAARAHA HALKAAN KA DAAWO (RIIX).
Inta jeer ee la aqristay :367Related posts:
| Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo. |
Short URL: http://www.newsomali.com/?p=10471

