Nolol Halis ayay ku Nolol Yihiin Somali banaanka la soo dhigay dalka Nederland, Daawo Muuqaalka Nimo iyo Abdiweli
Laanta qaabilsan Qaxootiga mangalyada u soo doontay Holland ayaa dhaqan ahaan marka ay soo afjarto kiiska qofka qaxootiga ee ay u diido inuu ku noolaado dalka Nederland ayaa waxay sameysaa in ay dibadda soo dhigto ruuxaas nooco doona ha ahaadee.
Ku dhawaad 16 ruux oo isugu jira rag, dumar iyo Caruur ayaa dibadda la soo dhigay iyadoo ay ka badan karto tirada intaas waayo inta hadda muuqaal ahaan loo soo bandhigay waa tiro kooban laakiin ogaantayda waxaa caadi ka ah dalkan dadka banaanka la soo dhigo oo laga soo saaro meelaha ay ku nool yihiin ee kaamamka.
IND Laanta socdaalka Nederland Labadii bilood aynu ka soo gudubnay si xad dhaaf ah ayay u bixisay sharciga iyadoo somaali badan la siiyay sharciga deganaanshaha dalkan muddo 5 sano.
Laakiin waxaa jira Soomaali fara badan oo sharci la’aan ku haysa dalkan Nederland kuwaas oo muddo ka badan 4 ama 5 sano ku nool kaamamka lagu xanaaneeyo qaxootiga ee ku yaala Gobolada dalka Holland
16 qofood ah ayaa waxaa la sheegay in dibada looga saarey xerada qaxootiga ee ku taal Ter Apel ah ka dib markii aan loo aqoonsan qaxootinimo iyadoona loo sheegay inay dalkooda dib ugu noqdaan maadaama aan loo aqoonsanin qaxootinimo.
Nimco Maxamed Yuusuf, iyadoo taagan banaan qaboob badan ka jira, jirkeedana ku xirxiran dharka difaaca barafka iyo qaboobaha ayay tiri Noloshan ma aha mid wanaagsan, kuma haysto Nederland reer ama Famil, waa dhibaato aad u weyn.
Abdiweli Abdullahi Axmed ayaa ka mid ah dadkaas banaanka la dhigay isagoo ku hadlayay Luuqada Ingiriiska ayuu yiri xaalada Soomaaliya waa mid aad halis u ah, waxaa ka socda dagaalo, Qof-na kuma laaban karo soomaaliya, waayo dagaalo badan ayaa ka socda waana adag tahay, HALKAN AYAAN KU NOOLNAHAY WAA DHIBAATO XUN OO ADAG AMA XAALAD ADAG
Haddaba Xaaladda ay ku nool yihiin dadka soomaalida ee sharciyada loo diiday waa mid aad u liidata.
Dalka Nederland waxaa ka jira ku dhawaad 70 NGO oo soomaali ah dhamaantood ma jiro mid difaaca qaxootiga soomaalida ee dalka ku nool waxay ku mashquulsan yihiin Gudniinka fircoonka iyo arrimo aan loo baahnayn.
Hay’adaha Soomaalida ee ka dhisan Nederland lama arko iyagoo gacan ka siiya dadkooda dhibaatada ku haysata gudaha Nederland.
Haddaba dadka Soomaaliyed oo ku dhaqan Nederland waxaa looga baaqayaa in ay u istaagan sidii dhibaatadan looga hortagi lahaa iyadoo si wadajir ah loo muujin karo dareen arrimahan IND lagu diidan yahay.
FG ah, Fadlan haddii aad haysa dad dhiban cinwaankan nagala soo xiriir nuradiin007@hotmail.com
Daawo Filimkan
Related posts:
| Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo. |
Short URL: http://www.newsomali.com/?p=10458

