|

Digniin la siiyay Soomaali hor dhooban banaanka xerada Qaxootiga Ter Apel ee dalka Nederland, Daawo Wararkii ugu dambeeyay oo muuqaal ah.

Duqa magaalada Vlagtwedde oo ay hoos tagto magaalada Ter Apel ee dalka Nederland ayaa amar ku bixiyay in ay boorsooyinkooda ka xirxirtaan Qaxooti Soomaaliyed oo banaanka xerada Ter Apel ee la iska dhiiba ka dhisteen teendhooyin kuwaas oo ka cabanaya Laanta socdaalka ee dalka Nederland IND.
Wararka ayaa sheegaya in Duqa Magaalada Vlagtwedde 14.00 duhurnimo ee maanta inay faaruqiyaan halkaas haddii aysan sameyna inay booliisku ay bur burni doonaan teendhooyinkaas ay dhisteen.

Ku dhawaad 25 ruux oo isugu jira Dumar iyo Rag ayaa u dhibaateysan banaanka xerada Ter Apel waxayna doonayaan in la qaabilo oo wixii ay xaq u leeyihiin la siiyo.
Qoysas Marookaan ah ayaa la sheegay inay u soo gurmadeen oo ay la soo gaareen cunto iyo cabitaan iyo qoryo ay shitaan, Soomaalidaas oo loo sheegay inaan la siinaynin wax sharci ah oo ayna dib ugu noqdaan dalkooda laakiin Soomaalidaas ayaa ku adkeysaneyso inaysan ku noqon karin Soomaaliya dhibaatada ka jirto awgeed .

Hay’adda qaabilsan Qaxootiga ee dalka Nederland Immigratie- en Naturalisatiedienst (IND) ayaa la sheegay inay ku wargeliyeen soomaalidaas inay mar kale isa soo dhiiban balse wararka ayaa sheegaya in soomaalida dalabkaas ka hor yimaadan.

Dadka banaanka yaala ayaa ah kuwa kiisaskooda codsiga qaxootinimada soo xermay iyagoo maray Maxkamado kadibna la siiyay diidmo taasina keentay in banaanka looga soo saaro kaamamkii ay u jireen.

Ma jiraan Ururo Soomaaliyed oo arrintan u guntaday iyadoo dhamaan Ururada ka jira dalkan ay yihiin kuwa isku mashquuliya gudniinka fircooniga waxaana ururadaas ka mid ah Dalmar oo waxqabadkeedu aad u liita.

Jaaliyadda Soomaalida ee Nederland wax gurmad ah uma sameynin walaalahooda ku dhibaataysan banaanka dhaxanta ka jirta laakiin dadka Morokanka ah ayaa cunta iyo raashin u geeyay dadkaas dhibaataysan.

Nuradiin Macalin Mukhtaar

Daawo warka oo Muuqaal ah

Warkii Shalay aan ka qornay dhacdadan halkan ka furo

 

 

 

Inta jeer ee la aqristay :444

Related posts:

Madaxweynaha Galmudug oo qudbad xaasaasiya u jeediyey Jaaliyada Minnesota iyo munaasibada heer sare ...
Shabaabka oo doonaya in ay qarxiyaan xerooyinka Badbaado iyo Rajo ee Magaalada Muqdisho(Warbixin)
Madaxweyne Ismaaciil Omar Geelle oo khudbad ka jeediyay UN ka ku soo qaatay Xaalada Somaliya
 
Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo.

Short URL: http://www.newsomali.com/?p=10487

Posted by on Dec 29 2011. Filed under Maqal iyo Muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed