Faaduma (Qu’een) Hilaac iyo Heesteeda Muuqaalka Macaan, Qalbigaaga kula Raaxeyso, Daawo
Lama arag muuqaal kan ka wanaagsan oo la soo saara heesaha Soomaalida gaar ahaan heesaha ay qaadan Gabdhaha fanaaniinta, durba marka aad aragto Muuqaalka Faaduma (Qu’een) Hilaac waxaa kugu dhalanaya dareen deg deg ah oo kugu qasbaya inaad eriyada heesta iyo muuqaalka wada wadaagto.
Inaad Daawato keliya ma aha niyada ayaa dareen kale gelinaysaa waana muuqaal aan caadi ahayn haddana la dul saaray cod aad u macaan.
Ninka Duubay heesta waxaa la dhihi karaa waxba lama harin oo gacan xaqir la’aan ayuu Fanaanada ku taageeray.
Heestan Muuqaalka halista ah leh Fanaanadan Faaduma Hilaac waxaa u saaray Musiga Ahmed Salah, dhanka laxanka waa isla fanaanada, halka uu ereyada iska leeyahay Abwaan Shiine Guuleed.
Hilaac waxay sidoo kale soo saartay heeso kale oo muuqaal qurux badan xambaarsan laakiin dhawaan ayaan idin soo gudbinayaa haddii rabi ogolaado.
Ku Raaxayso, kulana Raaxeyso asxaabtaada adiga ka heli doono Muuqaalka Fanaanada Qu’een Hilaac iyo codkeeda macaan waa hubaa inuu qalbiga kuu degi doono,
Daawo Muuqaalka
Inta jeer ee la aqristay :2839Related posts:
| Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo. |
Short URL: http://www.newsomali.com/?p=10555

