|

IND iyo Qaxootigii Soomaalida ee Holland oo Heshiis dhexdhaxaad ah gaaray, Daawo Muuqaalka

Soomaalidii qaxootiga ahayd ee teendhooyinka ka dhistay xerada qaxootiga horteeda ayaa waxaa la sheegay inay aqbaleen dalabkii uga yimid heyada qaabilsan qaxootiga ee dalka Holland ee loo yaqaano Immigratie- en Naturalisatiedienst (IND) ee ahaa inay dib mar kale isku soo dhiibaan taas oo keentay inay Soomaalidaas ay faaruqiyaan teendhooyinkkii ay ku jireen ayna dib ugu noqdeen xeradaas si ay mar kale dib isugu soo dhiibaan arintaas oo soo afjareyso gadood ay Soomaalidaas ku jireen mudo dhan ilaa iyo 5 maalmood oo ay ku sugnaayeen teendhooyinkaasi oo ay ku doonayeen sharci degenaansho uu halkaas ku dhamaadey.
Soomaalidaas oo sida la sheegay teendhooyin ka hor sameystay xerada qaxootiga ee magaalada Ter Apel ayaa waxay tiradoodu gaareysaa hada ilaa 45 qofood ka dib markii ay ku soo biireen Soomaali kale, Laakiin sida la sheegay Soomaalidaas ayaa waxay hada aqbaleen codsi ama dalab ay horey u diideen oo ay heyada qaabilsan qaxootiga ee dalka Holland ee loo yaqaano Immigratie- en Naturalisatiedienst (IND) ay u soo jeedisay kaas oo ahaa inay mar kale dib isu soo dhiibaan ka dibna dib loo eego kiisaskooda iyo sida ay wax ugu suuro gali karaan iyadoona ay hada aqbaleen Soomaalidaas dalabkaas taas oo keentay inuu meeshaas ku dhamaado mudaaharaadkii ay Soomaalidaas ku dooneysay in lagu siiyo sharci degenaanshaha dalka Holland

Ugu dambeyntiina iyadoo hada Soomaalidaas ay dib ugu noqdeen xeradaas islamarkaana ay aqbaleen inay mar kale dib isu soo dhiibaan ayaan wali la saadaalin karin waxa ay noqon doonto xaaladooda maadaama ay Soomaalidaas marayaan wareysiyo cusub, Soomaalidaas ayaa waxaa la sheegay inay dhibaato weyn ay ku heysay halkaas xilligii ay ku sugnaayeen oo ayna ugu darneyd qabow daran iyo gaajo inkastoo ay dadka deegaanka u soo gurmadeen oo ay la soo gaareen raashin iyo cabitaan iyo waliba xaabo ay ka shitaan qabowga oo ay isku kululeeyaan, duqa magaalada Vlagtwedde oo ay hoos tagto magaalada Ter Apel oo ah halka ay Soomaalidaas dhigteen teendhooyinka haweeneyda lagu magacaabo Leontien Kompier oo harey ugu qabatey waqti inay Soomaalidaas halkaas uga guuraan hadii kale xoog lagu rari doono ayaa arintaasi aysan dhicin iyadoona ay haweeneydaas ku tilmaantay dadkaas Soomaalida ah dad wanaagsan oo degen oo aan wax rabshad ah laga fileyn laakiin ay u cabsi qabtey oo kaliya amaankooda iyo cimlida qabowga ah ee jirta, Sidoo kale ayey haweeneydaas sheegtay inay Soomaalidaas ay gaareen u jeedadoodii oo ay ku tilmaantay inay ahayd inay aduunka u muujiyaan dhibkooda taas oo ay tiri waa u suuro gashay arintaas maadaama sida igu maqaalo ah ay halkaas ku soo booqdeen warbaahinta caalamka sida BBC iyo waliba Aljasiira

Inta jeer ee la aqristay :313

Related posts:

Daawo Muuqaalka Walxa Qarxa oo qaab Casri ah oo loo sameeyay, Yaa lagu dili rabay, Nabad Sugidda Dow...
Qeybtii Lixaad ee Dastuurka Cusub ee Soomaaliya, Newsomali.com ka baro
Kenya seeks UN audience as Eriterian envoy blames Ethiopia for diplomatic row
 
Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo.

Short URL: http://www.newsomali.com/?p=10538

Posted by on Dec 30 2011. Filed under Maqal iyo Muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed