Dr. Cali Khaliif Galeyr oo u dhaartay Maamulada Somaliland iyo Puntland. [Dhageyso]
Prof. Cali Khaliif Galeydh, ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaalia oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qeybgalaya shirka Taleex ayaa si weyn u qaadacay hadalka madaxweynaha Somaliland ee uu ku sheegay in shirka Taleex ay soo abaabuleen koox Qaswadayaal ah.
Prof. Galeydh wuxuu VOA u sheegay in shirka Taleex uu yahay shir madax banaan oo beesha degta Sool, Sanaag iyo Cayn ay uga tashanayaan aayahooda isla markaana ay go’aan ku gaadheen inay maamul-goboleed ka madax banaan Somaliland ku dhistaan.

Prof. Galeydh wuxuu sheegay in Somaliland aysan hor-istaagi karin qadiyadda iyo rabitaanka dadka dega gobollada SSC.
Qeybta hoose ka dhageyso wareysi dheer oo aan la yeelanay Prof. Cali Khaliif Galeydh.
Related posts:
| Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo. |
Short URL: http://www.newsomali.com/?p=11119

