DEG DEG: FA-ga OO Ku Dhawaaqay In Kabtanimada Xulka Ingariiska Laga Qaaday John Terry.
Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa xaqiijiyay dhawaan inay kabtanimada xulka qaranka Ingariiska ay ka qaadeen ciyaaryahanka kooxda Chelsea John Terry.
John Terry ayaa kabtanimadiisa xulka England waayay ka dib markii lagu eedeeyay inuu hadalo cunsuri ah ku aflagaadeeyay ciyaaryahanka daafaca QPR Anton Ferdinand.
Terry ayaa ku balansan maxkamad ka dib marka uu soo dhamaado koobka Euro 2012, inkastoo uu taageero ka heystay macalin Fabio Capello hadana xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa haatan ku dhawaaqay inay kabtanimadii ka qaadeen ciyaaryahan John Terry.
Waa markii labaad oo laga xayuubiyo xilka hogaamiyaha xulka England, mar tan ka sii horeysay waxaa laga qaaday kabtanimada xulka qaranka England ka dib markii uu qeyb ka ahaa fadeexad uu ku lamaanaa daafaca Wayne Bridge.
Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Related posts:
| Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo. |
Short URL: http://www.newsomali.com/?p=11800

