|

Ciyaaryahankii Ghana ka reebay Koobka Adduunka oo mar kale Xulka Ghana ka reebay Koobka Afrika, Zambia oo Fiinalka timid

Xidigaha Madaw Afrka Ghana ayaa laga reebay inay soo gaaran fiinaalka Koobka Afrika kadib markii looga badiyay 1-0 oo guusha ku raacday xulka Zambia.

Ciyaaryahanka A. Gyan ayaa nasiib u helay gool ku laad daqiiqadii 8 aad Cayaarta laakiin Goolhaayaha Zambia ayaa ka badbaadiyay fursadaas taas oo ka dhigtay cayaarta mid furan.

Haddii aad xusuusatid koobkii Adduunka ee lagu qabtay dalka koonfur afrika 2010 kii Ciyaaryahankan ayaa Xulkiisa ka reebay koobka markii uu cunay gool ku laad loo dhigay dhamaadkii cayaarta.

Haatan mar kale ayuu dalkiisa ka reebay fursad muhiim ahayd oo xulka Ghana ku soo gaari lahaa fiinaalka koobka afrika.

Zambia [1 - 0] Ghana ku badisay ayaa haatan u soo gudubtay fiinaalka koobka afrika waxayna la cayaari doonka Maali iyo Ivory Coast midii caawa badisa.

Goolka Zambia fiinalka ku timid waxaa u dhaliyay daqiiqadii 78 aad Ciyaaryahankooda E. Mayuka.

Inta jeer ee la aqristay :384

Related posts:

Howlgalkii Al Shabaab ee Magaalada Boosaaso oo bilawday, Magacyada Labo nin oo xalay lagu dilay Boos...
Sirta iyo Sababtii ka dambeysay in Shabaab ay ku biiran Al Qaacida,Godane Ma ku kali yahay tallaabad...
Maxamed Xasan Xaad Itoobiya waxay dalka u soo gashay Al Shabaab oo shacabka Soomaaliyed Madax fura...
 
Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo.

Short URL: http://www.newsomali.com/?p=11999

Posted by on Feb 8 2012. Filed under Sport, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed