|

AFAR ka mid ah Ciidamada Mareykanka ayaa ku dhintay dalka Jabuuti kadib markii..

Diyaarad military oo ay leedahay dowladda Mareykanka ayaa ku burburtay dalka Djibouti halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 4-ka mid ah ciidammada Military-ga oo saarnaa diyaaraddaasi.
Wasaaradda Gaashaanshigga Mareykanka ayaa sheegtay in afarta Askari ay dhinteen markii ay diyaarad oo nooceedu yahay U-28 ay la kula kulan tay shil meel ku dhow Xarunta Lemonier ee dalka Djibouti.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka Jabuuti cilad ku timid diyaaradda xilli ay ku guda jirtay duulimaadkeeda caadiga ahaa.

Xerada Lemonier waa Saldhigga kaliya ee ay dowladda Mareykanka ku leedahay Qaaradda Afrika, gaar ahaan geeska Barriga Afrika ee la dagaallanka argagaxisada iyo howlgallada Burcad badeedda.

Warka ayaa intaasi ku daraya in dhammaan afarta Askari ee ku dhimatay shilkaasi diyaaraddeed ay ka tirsanaayeen saldhigga Ciidamada Cirka ee Hulbert ee Gobolka Florida ee dalka Mareykan.

Inta jeer ee la aqristay :206

Related posts:

Kibaki urges China to invest in Lamu project
Waddooyinka Muqdisho oo la xiray iyo Ban Kin Mom oo goordhaw laga sugayo Muqdisho
Xaaladaha SOS, Huriwaa iyo Maanta, Daawo Wasiirada Booqday Aagaga Dagaalka
 
Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo.

Short URL: http://www.newsomali.com/?p=12318

Posted by on Feb 21 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed