|

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Kuwa Itoobiya oo Caawa u jirsaday Magaalada Baydhabo 50 KM, Shabaabka oo Waaga ku bariyay iyo Warar cusub

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo militariga Itoobiya oo is garabsanaayo oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa la sheegay in uu ka dhacay Degmada Bardaale oo ku dhow Magaalada Baydhabo.

Ciidankani is garabsanaayo ayaa la sheegay in ay ku sii siqayaan magaalada Baydhabo. Bardaale waxay 50km u jirtaa Baydhabo oo ah magaala madaxda gobolka Bay.

Xildhibaan Maxamuud Sayyid Aadan oo ku sugan Garbahaareey ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo militariga Itoobiya ay qabsadeen Bohol-Bashiir oo uu sheegay in uu ku yaalay saldhig ciidan ay ku lahaayeen Al-Shabaab.

Dhinaca kale, ilaa 10 qof ayaa ku dhintay kadib markii baabuur ay saarnaayeen ay ku qaraxday miino meel u dhow degmada Bardaale.

Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemaya caawa xaalad dagaal iyadoo baabuurta dagaalka shabaab la arkayay iyagoo u sii gudbaya dhinaca degmada Bardaale.

Inta jeer ee la aqristay :247

Related posts:

Howlgalkii Al Shabaab ee Magaalada Boosaaso oo bilawday, Magacyada Labo nin oo xalay lagu dilay Boos...
Panel hears stories from Somalis who call Willmar, Minn., their home
Samafalayaal lagu dilay Matabaan
 
Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo.

Short URL: http://www.newsomali.com/?p=12334

Posted by on Feb 21 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed