|

Ku dhawaad 10 Askari oo Itoobiyan ah ayaa saaka lagu dilay Magaalada B-weyne, Kadib maxaa dhacay

Qarax sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay magaalada Baladweyne lagula beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah.
Sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Magaalada B/weyne Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino lagu aasay wadada dhinaceeda isla markaana lagu qarxiyey ciidamo ku lugeynayey wadada u dhaxeysa xaafadaha Ajabka iyo Buundada.

Sida ay sheegayaan goob joogayaasha, qaraxa kadib ayaa waxaa rasaas fara badan furay ciidamada Itoobiyaanka, kuwaasi oo la xaqiijiyey in ay kaga dhinteen askar 9askari iyadoo dhaawacana intaas ka badan yahay.

Qaar ka mid ah dadka xaafada Ajabka oo aan la xiriirnay ayaa sheegaya in xaafada ay xirantahay isla markaana aanan jirin gaadiid soo galaya iyo kuwo ka baxaya.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay maalin kadib marki ay ciidamada Itoobiya ka qafiifiyeen dadka reer Baladweyne bandoow iyo cadaadiski ay saari jireen.

Goobjooga ku sugan Magaalada B/weyne ayaa sheegaya in weerarkan uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa tan iyo bishii Janayo ee bilawgii sanadkan oo loo geysto Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada B/weyne.

Inta jeer ee la aqristay :211

Related posts:

Al Shabaab::Waxaa Naga baxay Hoggaamiye Sare, Waxaana dilay Diyaaradaha Mareykanka, Waxaa uu ahaa.....
Abdiweli Mohamed Ali: Ready to move on, Daawo Waa Muuqaal
Fuaad Shangole:Ilaa Naga dhinta Ninka noogu Dambeeyo Dagaalka ma joojin doono
 
Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo.

Short URL: http://www.newsomali.com/?p=12315

Posted by on Feb 21 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed