|

Al Shabaab oo Xil adag u magacawday Sheekh Xasan Dahir Aweys

Sheekh Xasan Dahir Aweys, Wadaadka Mayalka adag ee inta badan lagu tilmaamo inuu yahay aas=aasaha kooxaha islaamiyiinta soomaaliya ayaa loo magacabay Jago sare xilli kooxda shabaab ay ku jirto xaalad xasaasi ah.
Al Shabaab ayaa u magacaabay Sheekh Xasan Daahir Aweys abaan duulaha dagaalyahanada AL Shabaab ee Soomaaliya.

Kulan ay shalay isugu yimaadeen saraakiisha ugu sareysa Al Shabaab magaalada Kismaayo ayey kaga hadleen qatarta Al Shabaab kaga soo wajahaan ciidamada Itoobiya, Kenya iyo kuwa AMISOM.

Shirki Kismaayo oo ay ka qeybgaleen saraakiil ay ka mid ahaayeen Abu Mansuur, Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Xasan Turki ayaa waxaa laga soo saaray in dagaalka la wado Al Shabaabna aysan quusan oo ay dagaalanto.

Sheekh Xasan Daahir oo tan iyo bilowgi sagaashamaadki kusoo dhex jiray dagaalada ayaa loo dhiibay inuu hogaamiyo dagaalada Al Shabaab ee xiligaan adag.

Al Shabab ayaa dhawaan lumiyey deegaano muhiim ah oo ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana haatan ay qatar ugu jiraan in ay waayaan gobolada Bay iyo Bakool.

Inta jeer ee la aqristay :432

Related posts:

Xoogaga al Shabaab oo war cusub soo saaray
World leaders gather to help Somalia face challenges
Ciidamada Dowladda iyo xoogaga Al Shabaab oo isku hor fadhiya gudaha degaanka Dayniile
 
Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo.

Short URL: http://www.newsomali.com/?p=12350

Posted by on Feb 22 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed