Ciidamada Al Shabaab oo isaga baxay Magaalada Bardaale, Dowladda KMG ah oo war cusub ka soo saartay Xaalada Baydhabo Warbixin dhameystiran
Maleeshiyaadka al shabaab ayaa isaga baxay degmada Bardaale ee gobolka Baay kadib markii ay kaabiga soo saareen ciidammada dowlada KMG ah oo kaashanaya Ciidamada dalka Itoobiya.
Wararka naga soo gaaraya degaano ka tirsan Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda KMG ah kaabiga ku haayan Magaalada Bardaale oo 50 KM u jirta Magaalada Baydhabo iyadoo habeenkii xalay ahaa Ciidamadii shabaab ee Magaaladaas difaacayay isaga baxeen halkaas.
Magaalada Bardaale ayaa hadda waxay u furan tahay Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya inay la wareegan kadibna ay ku sii sigaan Magaalada Baydhabo oo haddii ay gacantooda gasho taasi ka dhigaysa in awoodii shabaabka ee koonfurta Soomaaliya soo yaraato.
HayƔdaha Gargaarka ayaa u diyaar garoobaya inay gargaar gaarsiiyan Magaalada Baydhabo iyo degaanada kale ee shabaabka laga saaro waa haddii ay taasi dhacdo sidaas waxaa laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay.
Shariif Xasan Sh Aadan Afhayeenka Baarlamaanka KMG ah ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay is bedeli doonto gacan ku haynta Magaalada Baydhabo.
Golaha Wasiirada Dowladda KMG ah ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in maalinta Jimcaha gacanta Dowladda soo gali doonto Magaalada Baydhabo.
Inta jeer ee la aqristay :203
Related posts:
| Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo. |
Short URL: http://www.newsomali.com/?p=12346

