Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Itoobiya oo 15 KM u soo jirsaday Magaalada Baydhabo, Shabaabka oo bilaabay inay isaga baxaan Magaalada iyo warar kale
War Hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya ay soo dhaafan Magaalada Awdiinle oo 15 KM u jirta Magaalada Baydhabo iyagoo Ciidamada ku socda Baabuurta dagaalka iyo dhulka ayaa waxay bilaabeen inay miino ka baaran wadada isku xirta Baydhabo iyo awdiinle.

Goobjoogaal ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Shababka ay ka baxeen xarumaha muhiimka ah ee ku yaala Magaalada iyagoo baabuurta xamuulka qaada ku rarayay rasaas iyo qalab kale.
Dadka Magaalada Baydhabo ayaa qiyaasaya in Shabaabka ay isaga bixi doonaan mar haddii Magaalada lagu soo dhaawaday ayna adag tahay in gudaha Magaalada lagu dagaalamo maadama Magaalada ay tahay dhagax khatar badan ka dhalan karta dagaal ka dhaca gudaha Magaalada.
Warar hoose ayaa sheegaya in Saraakiisha muhiimka ah ee shabaabka ay isaga baxeen Magaalada Baydhabo.
Lama oga halka ay qabteen Saraakiishaas oo ku jiro hogaamiyihii shabaab ee Gobolada Baay iyo Bakool.
Haddii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya qabtaan Magaalada Baydhabo waxaa hubaal ah in Shabaabka gacantooda ka bixi doonto Gobolka Bakool.
Dadweynaha Magaalada Baydhabo ayaa iyagana bilaabay inay Magaalada ka baxaan si ay uga badbaadan haddiiba halkaas dagaal ka dhaco.
Inta jeer ee la aqristay :143Related posts:
| Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo. |
Short URL: http://www.newsomali.com/?p=12353

