|

Hub iyo rasaas loo waday Shabaab oo laga dejiyay Dekedda Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in doonyo waday hub ay ku xirteen magaalada Kismaayo.
Doonyahan oo aanan la ogeyn halka ay ka yimaadeen ayaa waday hub iyo rasaas kuwaasi oo u gacan galay Xarakada Al Shabaab oo gacanta ku heysa Dakada Kismaayo.

Dad xog ogalaa ah oo ku sugan Dakada Kismaayo ayaa sheegay in hubka ay la wareegeen saraakiil sare oo ka tirsan Al Shabaab kuwaasi oo hada isugu soo aruuray Kismaayo.

Hubkan u dagay Al Shabaab ayaa kusoo beegmaya xilli ay xaalad dagaal oo dhinacyo badan ku furanyihiin Al Shabaab kadib marki ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ay kasoo galeen jihooyin badan.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa ku edyeso dowlada Eritrea in ay hubeyso Al Shabaab, hase yeeshee Eritrea oo aad loogaga shakisanyahay ayaa beeniso wararka sheegaya in ay hubeyso Al Shabaab.

Inta jeer ee la aqristay :261

Related posts:

Midowga Afrika oo u hanjabay Xildhibaano uu ka mid yahay Madoobe Nuunow,Salaad Cali Jeelle, Muuse Su...
Dumarki sanadkaan Safka Hore ka Noqday Saxaafadda Caalamka, Magacyada Dumarkaas
Ciidamo ka socda Dalka Jabuuti oo Maanta ka degay Muqdisho, iyagoona la wareegaya Amaanka ...
 
Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo.

Short URL: http://www.newsomali.com/?p=12338

Posted by on Feb 22 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed