|

WAR DEG DEG AH Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay gacan ku haynta Magaalada Baydhabo

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Ciidamada dalka Itoobiya ayaa qabsaday Magaalada Baydhabo iyadoo aysan wax dagaal ah ka dhicin.
War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in abaarihii 3:30 pm ay Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa dalka Itoobiya la wareegan Magaalada Baydhabohase yeeshee ma jirin wax iska hor imaad ah oo halkaasi ka dhacay .

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanadii al shabaab ee gacanta ku haayay Magaalada Baydhabo isaga baxeen.

Magaaladaasi ayaa muddo sanado ah waxaa gacanta ku hayay kooxda shabaab oo xiriir la leh al qaacida.

Waxaa kaloo ay ku suganyihiin dhismaha Madaxtooyada magaalada, Baydhaba, warshadii Xassey, Garoonka diyaaradaha iyo halka loo yaqaan baa casharow.

Waxaa sidoo kale magaalada bartamaheeda lagu arkayay ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah oo roondo lug iyo gaadiidba ah ku maraya jidadka magaalada.

Xaalada Magaalada ayaa hadda kacsan maadama jaw kala wareeg ah gashay, dadka ayaa koox koox u socda wadooyinka Magaalada.

Inta jeer ee la aqristay :253

Related posts:

Dad Soomaali ah oo lagu qabtay howlgal ka dhacay Kenya
Faah Faahin laga helay Qaraxii Ismiidaaminta, Masuuliyiin ku geeriyootay, qaarna ku dhaawaantay.
Dalka Holland oo laga Mamnuuci doona qaadashada Xijaabka
 
Wararkii ugu danbeeyay Halkaan ka Daawo.

Short URL: http://www.newsomali.com/?p=12357

Posted by on Feb 22 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed