Madaxweyne Shariif oo xariga ka jaray suuqyo cusub.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa saaka furay suuq cusub oo ay dowladu ugu talagashay in ay ka ganacsadaan shacabka ku nool degmada Hodan. Madaxweynaha ayaa ku micneeyay mashruucaan barnaamij ku salaysan adeega bulshada iyo horumarinta dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay isagoo u qodbaynaya shacab badan oo ka soo qayb’galay furitaankii suuqa cusub in [...]

