Daawo Muuqaalka iyo Sawirada Labo Wiil oo Walaalo ah oo kala lumay iyagoo yar oo hadda ku kulmay Waqooyiga Norway, Liibaan waxaa uu helay Walaalkiisa ka yar, Sheeko Farxad leh

Labo walaalo ah oo kala dhumay iyaga oo 11 iyo 12 jiro ah ayaa si lama filaan ah waxay isku arkeen waqooyiga Norway ee qaarada Yurub iyadoo ay tani qeyb ka tahay dhibaatada haysata qoysas fara badan oo Soomaali ah kadib dagaalkii sokeeye ee soomaaliya ka bilawday 1991 dii. Wiilka wayn oo la yiraahdo Liibaan [...]


